Support Center
Su'aalaha Badiyaa La Isweydiiyo - Xisaabta
Halkan ka hel jawaabaha su'aalaha badanaa la is weydiiyo ee ku saabsan Baro Xisaab.
Guud ahaan Baro Xisaab
Baro Xisaab waa machad online ah oo kuu sahlaya inaad barato luqadda English-ka adigoo jooga gurigaaga ama goobtaada shaqada. Waxaan isticmaalnaa manhaj caalami ah (CEFR standards) oo si gaar ah loogu habeeyey dadka Soomaaliyeed.
App-kan waxaa loogu talagalay:
- Dadka aan waligood English baran
- Dadka heer hoose jooga
- Dadka doonaya inay horumariyaan English-kooda si xirfad leh
Manhajka oo dhameystiran waa 12 bilood, waxaana uu ka kooban yahay 4 heer: Beginner, Intermediate, Advanced, iyo Fluency.
Ardaygu bil walba horumar la taaban karo ayuu sameynayaa.
Ardaygu bil walba horumar la taaban karo ayuu sameynayaa.
Casharada & Qaabka Waxbarashada
Cashar kasta wuxuu ka kooban yahay: Muuqaal (Video), Speaking Lab, iyo Homework.
👉 Waa muhiim: Inaad daawato muuqaalka si aad u fahamto casharka. Qeybaha kale waa dheeri.
👉 Waa muhiim: Inaad daawato muuqaalka si aad u fahamto casharka. Qeybaha kale waa dheeri.
Waxaad qaadan kartaa hal cashar maalintii kaliya. Maalinta cusub waxay bilaabaneysaa 04:00 AM (waqtiga Subax).
Haa, waxaa jira Lab gaar ah oo aad ku baraneyso erayo cusub iyo ku celcelin iyadoo la adeegsanayo nidaam casri ah.
Wax dhib ah ma leh. Waxaad casharadaada ka sii wadan kartaa maalinta xigta isla halkii aad uga hartay.
Isdiiwaangelinta & Bilaabidda
Buuxi form-ka isdiiwaangelinta → Email ayaa kuu soo dhacaya → Guji link-ga ku jira emailka si aad u xaqiijiso.
Xaqiijinta emailku waa qasab si:
- Loo sugo amniga account-kaaga
- Loo xaqiijiyo inaad tahay isticmaale dhab ah
Haa, marka aad emailka xaqiijiso waxaad helaysaa 24 saac free trial iyo isticmaal buuxa oo app-ka ah.
Inta badan adeegyada waa la xiraa ilaa aad iibsato subscription (lacagta isqorista ee bisha).
Qiimaha & Bixinta Lacagta
- 🇰🇪 Kenya: 1500 KES bishii
- 🌍 Dalalka kale (sida Somalia): $10 bishii
Raac tilmaamaha ku jira payment form-ka ee app-ka dhexdiisa. Habka waa mid aad u sahlan oo si toos ah u shaqeynaya.
Lacagta waxaa la xaqiijiyaa waqti yar gudahood, app-kana si toos ah ayuu kuu furmayaa adigoon cidna sugin.
Tag Profile → Subscription Information. Halkaas ayaad ka arki kartaa goorta bisha xigta la bixinayo.
App-ka & Isticmaalka
Maya, waxaan leenahay Website iyo App aad ku soo dejisan karto telefoonka. Marka aad gasho, waxaad arki doontaa fariin kuu tilmaameysa sida loo download gareeyo.
Haa 👍 Markaad dib u bixiso lacagta bisha, waxaad si toos ah uga sii wadeysaa halka aad ka joogtay, ma lunto xogtaadii hore.
Waqtigan xaadirka ah, barnaamijku wuxuu u baahan yahay in internetku daaran yahay si aad u daawato muuqaalada una gudbiso shaqo-guriyeedkaaga (Homework).
Referral (Invite & Earn)
Referral waa nidaam kuu oggolaanaya inaad dadka kale ku casuunto app-ka si ay wax u bartaan, adigana aad faa'iido uga hesho.
Waxaad heleysaa $1 qof kasta oo is-diiwaangeliya. Sidoo kale, qofka aad casuuntay wax lacag dheeraad ah laguma darayo.
Tag Profile → Invite & Earn, copy garee link-gaaga u gaarka ah, kadibna u dir asxaabtaada.
Tag Profile → Invite & Earn. Halkaas ayaad ku arki kartaa dhammaan dakhligaaga aad sameysay.
Marka ay gaarto $10 ayaad codsan kartaa withdrawal. Codso, maamulka ayaa xaqiijinaya, lacagtana waxaa lagu soo dirayaa waqti kooban gudahood.
Amniga & Xogtaada
Baro Xisaab waxay raacdaa nidaamyada caalamiga ah ee ilaalinta xogta (Data Protection/GDPR) iyo habab amni oo casri ah si xogtaadu u noqoto mid aamin ah.
Haa, waad bedeli kartaa password-kaaga iyo emailkaaga adigoo tegaya Settings gudaha app-ka.
Haa, waad tirtiri kartaa account-kaaga wakhti kasta.
⚠️ Ogow: Tirtirku waa kama dambeys. Xogtaada si degdeg ah ayaa server-ka looga saarayaa lamana soo celin karo.
Kalsoonida & Sharciyadda
Haa, Baro Xisaab waa adeeg leh Diiwaangelin Ganacsi (Business Registration) number-keedu yahay BN-J9S6JB7Y, wuxuuna si buuxda u hoggaansamaa nidaamyada caalamiga ah ee ganacsiga (Compliance).
Haa, Baro Xisaab waxay leedahay D.U.N.S Number (aqoonsi ganacsi caalami ah), waana 850395156, taas oo cadeyneysa in shirkaddu tahay mid dhab ah oo la xaqiijiyey.
Waxaa ka mid ah:
- Manhaj CEFR ah (International Standard)
- System lacag bixineed oo si buuxda loo xaqiijiyey
- Support ama taageero joogto ah 24/7
- Kumanaan arday ah oo horumar sameeyay
Haa. Marka aad si guul ah ku dhameyso heerarka loo baahan yahay, waxaad heleysaa shahaado cadeyneysa heerkaaga luqadeed.
Taageero & Xiriir
Waxaad nala soo xiriiri kartaa qaababkan:
- Chat: Gudaha app-ka ayaad fariin toos ah nooga soo diri kartaa.
- Email: Support@baro-english.com
- WhatsApp: +254791735033
- Facebook Page: Baro Xisaab
Haa, qorshaha dhow waxaa noogu jirta inaan soo kordhino duruus toos ah (Live Classes) oo lala qaadanayo macalimiin dhab ah.
Weli ma helin jawaabta aad rabtay?
Nala Soo Xiriir